SFI

KUSOO DHAWOOW HAMMARKULLEN 61 SI AAN KAAGA CAAWINO SOO DALBASHADA ISKOOLKA!
KA BARO SFI-GA HJÄLLBO!
WAXAA  NAGA HELI KARTIIN HJÄLLBOTORGET, FARMASHIYAHA DHINACIISA.

Cashirada waxey baxaan saacada markee tahay 9- 12. Waxaad baran kartaa qeybaha kala duwan ee SFI sida B, C iyo D, waxaa kaloo qabanaa heerarka kala duwan 1, 2, & 3.

Hadafkeena wuxuu yahay inaad baratid luqada swiidishka si aad u noqotid qof ku filan nolol maalmeedkiisa iyo tan shaqadaba.

Waxaanu folkhögskola kugu siinaynaa haddii aanad haysan aqoonta aasiga ee luqada Swiidhishka inaad barato SFI-ga.

Waxaad wax baraneysaa laga bilaabo saacada 9 ilaa 12, isku dar 15 saacadood todobaadkii oo iskuulka ah iyo 15 saacadood oo kale todobaadkii oo guriga aad ku baraneysid.
Marka Adigu aad dhamyso heerka D-da ayaad haysataa fursada aad ku sii wadeyso waxbarashada heer Koorsada guud "Allmän kurs" ah, taas oo ku siineysa fursada aad ku galayso waxbarashada heerka sarre.

Waxaanu isticmaalnaa buugaag kala duwan tusaale ahaan. "På spåret" iyo "Omvärldskunskap".

Marka aad soo gaartid heer waxbarasho ayaad sameyn doontaa imtaxaanka qaranka ee SFI-da.

Haddii aad doonayso inaad wax dheeraad ah ogaato nagu soo booqo Hammarkulletorget 61, markaas ayaanu kusiin doonaa macluumaad dheeraad ah.